Mama Amina College of Health Science
Booqasho Rasmi ah
MUQDISHO | 09 – Maarso – 2026 – Wafdi ka socday BADEF Development Foundation oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud, Mr. Bashir Hagio, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xarumaha Al-Rahma Charity Association. Wafdiga waxaa si diirran u soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Al-Rahma Charity Association, Mr. Abdulkadir Mohamed Hussein, iyo maamulada kale ee xarunta.
Kulanka dhex maray labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta adeegyada bilaashka ah ee loo fulinayo bulshada maadaama dalku uu ku jiro xaalad bani’aadamnimo oo adag, tababaridda iyo kor u qaadidda kartiyeedka shaqaalaha, iyo in la sameeyo wada-shaqeyn joogto ah oo ku dhisan adeeg la taaban karo oo bulshada wax badan ka faa’iideeya.
Intii booqashadu socotay, wafdigu wuxuu kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee Al-Rahma Charity Association ay maamusho, sida Qaybta Mama Amina College of Health Science, Qaybta Mama Amina Health Center, iyo Qaybta Mama Amina Vocational Center.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo kor u qaadida adeegyada waxtarka ah ee bulshada u hayso Al-Rahma Charity Association, kuwaas oo isku jira adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo barashada xirfadaha kala duwan, isla markaana kor u qaadaya tayada daryeelka loo fidiyo bulshada.

















