Booqasho Rasmi ah
MUQDISHO | 07 – Maajo – 2026 – Wafdi ka socday Bisha Cas (Qaybteeda Afgooye) ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Kulliyadda Barashada Culuumta Caafimaadka ee Mama Amina.
Wafdiga waxaa si diirran u soo dhaweeyay Maamulaha Qaybta Afgooye, Mr. Abdullahi, Madaxa Akademiyada (Academic), Drs. Mulki Mohamed, iyo Madaxa Maamulka (Admin), Eng. Ayub Mohamed Hussein.
Kulanka dhex maray labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada caafimaadka, si loo horumariyo aqoonta ardayda degmada ee ku saabsan caafimaadka.
Intii booqashadu socotay, wafdigu wuxuu kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee kulliyadda, sida qolka demo-ga (Demonstration Room) iyo fasallada ay ardaydu ku qaataan casharadooda.
Booqashadani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo kor u qaadista adeegyada waxbarashada caafimaadka ee waxtarka leh ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Shabeellaha Hoose, isla markaana kor loogu qaadayo tayada daryeelka loo fidiyo bulshada.
Mahadsanidiin





